Monday, August 31st, 2015
logojaliil
heesmacaan

Daawo:Sawirada:Dhoola tus ay maanta wadooyinka Muqdisho ku sameeyen ciidan loogu tala galay inay amniga suggaan

Ciidan qaas ah oo loogu tala galay inay suggaan ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay maanta socod dheer ku soo mareen wadada KM0 ilaa KM4.

Ciidankan oo ka tirsan Booliska Somaliya, ayaa waxay loogu tala galay inay xoojiyan ammaanka Caasimadda, kana hortaggaan kuwa damacsan in bisha Ramadaan ay weeraro ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Booliska Dowladda iyo Amisom oo qura, ayaa ka shaqayn doono arrimaha ammaanka, waxaana wadooyinka laga kaxeeyay Xoogagii Nabad Suggia ee arrimaha amniga u joogay wadooyinkaasi.

Tani, ayaa waxaa loo arkaa mid lagu xoojin karo ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli Dowladda Somaliya ay dareen ka qabto weeraro ay Ramadaanka Shabaabku ka gaystaan Magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, ayaa sheegay bisha Ramadaan inay doonayaan wax weyn, oo ay ka bedelaan xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Taliyaha, ayaa ku waramaaya in ujeedkoodu uu yahay in laga hortaggo kuwa doonaaya inay qalqalka geliyaan xasiloonida bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

General Xaamuud, ayaa balanqaadaaya inay nabad ku soomi doonaan bulshada reer Muqdisho, isla-markaana ay ku ciidayaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com