Wednesday, July 29th, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:Ahlusuna oo shaacisay xiliga uu furmayo shirka Dhuusamareeb & ergooyin oo ku wajahan ka qayb galkiisa

Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka Ahlusuna oo hore ugu dhawaaqay in uu dhisayo maamul goboleed ka hirgala gobolada dhexe oo ay xor u yihiin bulshada ku dhaqan goboladaasi la dar dar geliyey sidii loo qaban qaabin lahaa haatana uu diyaar yahay lagana qayb qaato.

warka ayey heleeyso shabakada hiiraanka.om ayaa sheegaya in maamulka Ahlusuna uu shaaciyey xiliga uu furmi doono shirka loogu gogol xaarayo maamulka ay ku dhawaaqeen goob joogayaal ayaa sheegaya in shirku furmi doono 26-ka June.

Dhan kalena waxay wararku sheegayan in ay magalada Caabudwaaq ka ambabaxeen wafti ku wajahan shirkaasi kuwaas oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada Dhuusamareeb si ay uga qayb noqdaan shirka Ahlusuna iclaamisay .

Magaalada Cadaadana waxaa la bilaabay cod uruurinta dadka matalaya doorashooyinka gudoomiyaha Baarlmaanka iyo ku xigeenkiisa, mana jiraan wax  hadal hayn ah oo ku aadan sidii loo maarayn lahaa is maan dhaafka ka taagan ururka Ahlusuna iyo gadhwadeenada shirka Cadaado.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com