Monday, August 31st, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:AMISOM oo faarujisay deegaano hor leh iyo Alshabaab oo ku damaashadeyso

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay isaga baxeen dhul hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli aysan kala cadayn waxa ay ka bixistoodaan salka ku hayso.

Ciidanka, ayaa shalay galab ilaa xalay siyaabooyin kala duwan waxay kaga baxeen deegaanada Golweyn iyo Yaaqbari-weyne, oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo Mareer iyo Wanlaweyn.

Deegaanadaasi waxaa durbaba la wareegay Ururka Al Shabaab oo si weyn kaga soo horjeeda joogista Amisom ee dalka, iyagoona dagaal adag kula jira.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Yaaqbari-weyne, ayaa xaqiijiyay saqdii dhexe ee xalay in Shabaabku Calanka Madow, ay ka taaggeen deegaankaasi, markii ay si rasmi ah ula wareegeen.

Amisom waxay Gobolka Shabeellaha Hoose ka bilowday dib u gurasho ballaaran, wixii ka dambeeyay weerarkii Jimcihii hore ka dhacay deegaanka Leego, laguna dilay in ka badan 70 askari oo Ciidamada Burundi ka tirsan.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyadoo Madaxda Dowladda Somaliya iyo Taliska Amisom, ay si isku mid ah u sheegeen in sanadkan la soo afjari doono Shabaabka ka dagaalama dalka Somaliya.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com