Sunday, August 30th, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:wasiir Hadliye oo looga yeeray Baarlamanka laguna heeysto arinta badda (Xasaasi)

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye ayaa looga yeeray inuu hortago baarlamanka Soomaaliya, ayada oo lagu heysto arrimo la xiriira badda Soomaaliya.

Hadliye oo la filayo inuu baarlamanka hortago sabtida ayaa waxaa wax laga weydiin doonaa hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amina Maxamed oo ay ku sheegtay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in arrinta badda lagu dhameeyo wada-hadal.

Hadliye ayaa waxaa sidoo kale la weydiin doonaa warsaxaafadeedkii uu ka soo saaray arrintaas oo shaki cusub abuuray kadib markii xildhibaanno badan ay arkeen kashifaad ay arrintaas ku sameysay

Kadib marka baarlamanka Soomaaliya ay wareystaan wasiir Hadliye, ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aan xasaasi ah oo ku saabsan arrinta badda Soomaaliya. Waxaan isku dayeynaa inaan idiin soo gudbio go’aankaas Insha Allah.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com