Saturday, August 29th, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:Dadkii ugu badnaa oo maanta la dilay & dhimashada oo maraysa 27 qof + dhaawacyo culus

Qaraxyo is xig xigay oo ay fuliyen laba nin oo naftood hurre-yaal ah ayaa maanta lagu qaaday xarunta ciidamada Booliska dowladda Chad ay ku lee yihiin magaalada N’Djamena.

Qaraxyadaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta la weeraray, iyadoona la toogtay xubno kale oo lala xiriirinayo in ay la socdeen kooxdii weerarka gaystay.

Qoraal ay dowaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 27 ruux oo ay ku jiraan afar nin oo looga shaki qabo in ay ka tirsan yihiin ururka Boko Haram.

 

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in 101 ruux oo kale ay ku dhaawacantay weerarkaasi isla-markaasna ay xilligan degan tahay xaaladda goobtii la weeraray kadib markii xaaladda mid caadi ah kusoo celiyen xoogaga ammaanka.

Hassan Sylla Bakari wasiirka wasaaradda warfaafinta Chad oo kasoo muuqday Telefishinka Qaranka dalkaasi ayaa waxa uu weerarkaasi ku eedeeyay ururka Boko Haram.

“Boko Haram khalad bay ku ahayd inay beegsato Chad.” Ayuu yiri Wasiirku.
Waxa kaloo uu yiri “Sharcilaawayaasha argagaxisada waala baacsan doonnaa meelkasta oo ay jooggaan.”

Inkastoo Boko Haram aynan weli sheegan masuuliyadda weerarkaasi ayaa hadana noqonaya midkii ugu horeeyay oo caynkiisa ah oo ka dhaca xarunta wadanka Chad ee N’Djamena.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com