Sunday, August 30th, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:Sargaal ka tirsan Ciidamada oo gordhaw Qarax lagu dilay+Magaca sargaalka

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax miino lagu dilay Taliyahii Ciidamada Darawiishta ee Ururka Koobad ee fadhigoodu yahay Deeganka Buulo guduud oo Qiyaastii 30 km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo.

Taliyaha oo lagu magacaabo  Mursal geedi  ayaa saaka ku dhintay Qarax miino oo loo galiyay wadada dhinaceeda, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba.

Qaraxa ayaa dhacay inti uu Taliyaha ku jiray socdaal uu uga baxay Magaalada Kismaayo isaga oo kusii jeeday deegaanka Buulo gaduud halkaasi oo xarun difaac u ah Ciidamada Jubba.

Col: Mursal geedi waxaa uu kamid ahaa saraakiisha ugu cad cad Ciidamada Jubba ee dagaalka kula jiray Al Shabaab.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com