Friday, July 3rd, 2015
logojaliil
heesmacaan

DEG DEG:Somaliland oo xiray Xildhibaano Caan ah kana tirsan baarlamaanka Soomaaliya+magacyada xildhibaanka

Wararka ka imaanaya Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu xiray Magaaladaasi .

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa waxa uu warbahinta  u sheegay in Xildhibaankaasi Gacanta Lagu Hayo dhawaan la soo taagi doono maxkamadd.

Xildhibaanka ay Soomaaliland sheegtay in uu ka tirsan yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Magaciisa lagu sheegay Axmed Xuseen Xasan oo ku Magac Dheer {sitiin}tilmaameen in uu ka soo jeedo deegaanada Maamulkaasi Dowlada Somaaliyana uu qeyb ka yahay

Marka laga so tago hadalka Soomaaliland ma jiro ila ka madax banana arintaan oo xaqiijinaayo Dowlada Federaalka Wali arintaan kama aysan hadlin
Somaliland waxaa ka yaalla sharci adag siyaasiyiinta ka soo jeeda somaliland ee xilalka ka doonta somaliya,kuwaasi oo somaliland uu ka yaallo shari ah khiyaamo qaran,waxaana laga war sugayaa waxa uu noqon doono xukunka lagu rido xildhibaankan.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com