Tuesday, September 2nd, 2014
logojaliil

HAY’ADAHA AMAANKA DOWLADA SOOMAALIYA IYO SARAAKIISHA AMISOM AYAA KA HADLAY WEERARKII LAGU QAADAY GURIGA AXMED DAACI

Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa si wadajir ah ugu hadlay weerarkii lagu qaaday guriga gudoomiyihii hore degmada Wadajir iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan,waxayna sheegeen in weerarkaasi qeyb ka ahaa howlgalada hubka ka dhigista Muqdisho ka socda.

 
Kadib Warsaxafaadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ku taageerayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku soo qabteen 15-Qori saanad hub iyo tiro maleeshiyo ah kuwaasi oo ay sheegeen in xabsiga u taxaabeen.

 
Sartaakiisha AMISOM ayaa hoosta ka xariiqday in howlgalka lagu qaaday siyaasiyiintan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,islamarkaana qeyb ka yahay howlgalada hubka looga dhigayo hogaamiyaal kooxeedyadii dalka soo maray.
Maxamed Yuusuf afhayeenka Wasaarada amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Axmed Daaci wuxuu ku tilmaamay mid hub ka dhis ah oo mudooyinkaanba soo socday,wuxuuna ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah dhacdadaasi uu ka bixiyo.

 
Ugu danbneeyntii ku dhawaad 10-ruux ayaa la tilmaamayaa inay ku dhinteen halka tiro kale aan la qiyaasin dhaawacyo weerarkaasi ka soo gaareen kuwaasi oo hada lagu dhabiibayo Cisbitaalka Madiina magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka.

 

Www.Hiiraanka.com

 

Muqdisho

Comments

comments

Maamulka Sare Ee Shabakada Hiiraanka Omar Markiyow Nagala Soo Xiriir

Hiiraanka@hotmail.com Ama Skype hiiraanka wasass

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>