Saturday, August 29th, 2015
logojaliil
heesmacaan

Musharaxiinta Madaxwenaha Galmudug oo Maanta ka hor Qudbeyn Doona Baarlamaanka (Xasaasi)

Maanta ayaa lafilayaa in Musharixiinta Madaxweynaha maamulka Galmudug ay ka hor hadlaan Baarlamanaka maamulkaas iyaga oo jeedin doona waxqabadkooda iyo mid waliba waxa uu qaban doono hadii ladoorto.

Musharixiinta oo aan ilaa hada lahyn cid Tanaasushey ayaa gaaraya in kabada 10 Musharax waxaana Gudiga qaban qaabada doorashada ay dhawaan iclaamiyeen in ay soo gudbiyaan SV gooda taas oo ay intooda u hogaan sameen.

Muran ayaa lasheegayaa inuu kajiro tirada codka wareega koowaad ay ku kala guuleysan karaan Musharixiinta waxaana qaarkood in lagu kala guuleysto Cod hal dheeri ah halka kuwo kalana ay rabaan Sadex Meelood labo qofkii helaa inuu noqdo Madxweynaha Galmudug.

Maalinka Sabtiga ah ee 4 ta bishaan ayaa balantu tahay in laqabto doorahsada Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe waxaana markaad eegto qaabka uu u socda Ololaha doorashada aad moodaa in ay u dadaalayaan 3 musharax oo kala ah Axmed C/Salaan Axmed Macalin Fiqi iyo C/Kariin Xuseen Guuleed oo midkood lafilayo inuu ku guuleysto doorashada.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com