Saturday, August 1st, 2015
logojaliil
heesmacaan

Soomaalida ku dhaqan Dhadhaab oo Jawaab caraleh siisay Hadal ka soo Yeeray kenya….

Maxamed Colow Odawaa, oo ah taliyaha amaanka ee xeraada IFO oo kamid ah shanta xero ee Dhadhaab ayaa beeniyay dambiyada ay ku eedeysay dowlada Kenya dadka degen xeryaha Dhadhaab oo ah in Alshabaab ay isku qariyaan Dhadhaab.

Odowaa, oo sidoo ah afhayeenka gudiga amaanka ee xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in xeradaasi ama dal kale ay tagi karaan dad xun iyo kuwo wanaagsan laakiin dowlada waajib uu ka saran yahay xaqiijinta amaanka.
Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta iyo dowladiisa waxaa saran cadaadis ay kaga jawaabayaan amni darada ku korortay dalka Kenya, waxaana taa badalkeeda ay ku dhawaaqeen in bilo ay u qabtaan qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya.
Horaantii bishaan Alshabaab, dagaalyahano ka tirsanaa Alshabaab ayaa weerar ku qaaday jaamacada Gaarisa oo ku taala waqooyi bari Kenya, waxaana ku dhintay 148 ruux oo badankood ahaa arday.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xerada dhadhaab ayaa dhankooda sheegay in dowlada kenya iyo siyaasiyiinteeda ay indha ku wada hayaan qaxootiga, laakiin aysan eegeynin dadka kale ee amni darada ka geysanaya Kenya.
“Hadii aad siyaasi tahay dadka kale ee aad ka adag tahay waa rayidka, qaxootiga aan awooda laheyn iyo kuwaasi oo dhiiqada, wasaqda iyo meelaha mugdiga joogo, sababtoo ah haddii siyaaasi aad tahay ma dhihi kartid aniga ayaa ka dambeeya falka”sidaasi waxaa yiri Maxamed ruux magaciisa lagu koobay oo degen Dhadhaab.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com