Wednesday, July 8th, 2015
logojaliil
heesmacaan

XOG: Tirada xildhibaanada saxiixay MOOSHINKA Xasan Sheekh oo kordhay (Waa Imisa Iminka?)..

Waxaa kordhay tirada xildhibaanada saxiixay mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida ay sheegyso xog cusub oo aan helnay.

Mooshinka oo ay horey u saxiixeen 139 xildhibaan, ayaa waxaa iminka ku biiray tiro xildhibaano ah oo cusub, waxaana tirada guud ee xildhibaanada saxiixay mooshinka ay gaarayaan iminka 171 xildhibaan.

Mooshinka oo kaliya saxiixa 90 xildhibaan u baahan si baarlamanka loo horgeeyo, ayaa waxaa qasab ah inay u codeeyaan 184 xildhibaan si madaxweynaha xilka looga qaado.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa doonaya in marka ay xaqiijiyaan taageerada 184 xildhibaan ay horgeeyaan baarlamanka.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in mooshinka la horgeyn doono baarlamanka kadib ciidul fitriga insha allah, lana filayo in madaxweynaha xilka laga qaado haddii uusan inta ka horreysa helin taageero ku filan.

Madaxweynaha ayaa hadda isku dayaya inuu taageero ka helo xildhibaanada Hawiye, hase yeeshee xildhibaanada hormuudka u ah mooshinka waxaa ugu horreeya kuwa beelaha Hawiye.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com