Friday, September 4th, 2015
logojaliil
heesmacaan

Xog:Puntland oo diiday in Ciidamo AMISOM ah la geeyo degaanadeeda kuna dhawaaqday arin halis ku ah midnimada somaliya

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in ammaanka Puntland uusan khatar ku jirin oo la isku halayn karo, marka loo eegana xaaladda Soomaaliya ay Puntland tahay meesha ugu ammaanka wanaagsan.

Hadalkan ayuu Shire ka jeediyay shir looga hadlayay Argagaxisada oo maalinkii shalay ka furmay hoolka Baarlamaanka ee magalada Garowe, wuxuna muujiyay kartida dowladda iyo shacabku u lee yihiin in laga hortago falalka kooxda Al-Shabab ka gaysanayaan Puntland.

”Puntland maxay Soomaaliya kaga duwan tahay, waxay kaga duwan tahay Puntland cidna heshiis kulama jirto, Shabab-na xiriir kama dhaxeeya, AMISOM-na xafiisyadda dowladda ma ilaaliso, Puntland Al-Shabab iyadaa iska dhicisa, cidi waxba kuma siiso, haddii maalin habacsanaan dhacdo Puntland way is-adkaynaysaa, odayaasha ammaanka ka dayriyayna waxaan lee yahay Puntland ammaankeeda wuu wanaagsan yahay” Siciid Xasan Shire ayaa sidaasi yiri.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan waqtigaan Puntland u baahnayn ciidan ka socda howlgalka AMISOM, ayna ku filan yihiin ammaankooda, wuxuuse meesha ka saarin inay sixi doonaan wixii khaldan.
Ergayga Gaarkaa ee QM u qaabilsan Soomaliya ayaa la sheegay in uu horay u shaaciyay in Puntland la geeyn doono Ciidamada Mdowga Afrika ee AMISOM.

comments

daawo news

Nagala Soo Xiriir

Info@hiiraanka.com